Bakaaro

Cusboonaysiin: 12 Ogosto 2026

Privacy Policy

Bakaaro waa suuq online ah oo lacagtaada lagu hayo ilaa aad alaabtaada hesho. Waxaa leh Taleex Technologies. Boggan wuxuu sharraxayaa xogta aan qaadanno, sababta aan u qaadanno, cida la wadaago, iyo sida aad u tirtiri karto akoonkaaga.

Ballanqaadkeenna. Bakaaro ma qaado lambarka kaararka bangiga, waligeed ma arko PIN-kaaga EVC Plus ama eDahab, mana raadiso meeshaad joogto. App-kani ma wato wax xayaysiis ama dabagal ah oo nooc kasta ah.

1. Xogta aan qaadanno

XogtaUjeeddada
Lambarkaaga taleefankaWaa furaha akoonkaaga — kood ayaa laguugu soo diraa si aad u gasho.
DalabyadaadaAlaabta, qiimaha, meesha la geeynayo iyo xaaladda — si dalabku u dhammaado oo lacagtu u socoto si sax ah.
Qiimaynta aad qortoWaxaa lagu tusaa dadka kale ee alaabta eegaya.
Dukaamada aad raacdoSi aad u hesho warka dukaamadaas.
Ogolaanshaha fariimahaSi aan u ogaanno inaad rabto fariimo dukaan.
Ogeysiisyada (push)Haddii aad ogolaato — si aan kuugu soo sheegno marka dalabkaagu dhaqaaqo.

Haddii aad iibiye tahay, sidoo kale: magaca dukaanka, xaafadda, saacadaha furitaanka, lambarka la tusayo macaamiisha, iyo sawirrada alaabta aad soo gasho.

2. Waxa taleefankaaga kaliya ku haray

Kuwan ma yimaadaan server-keenna — waxay ku jiraan taleefankaaga oo keliya, waxaana la tirtiraa marka aad app-ka ka saarto:

3. Waxa aan waligeen qaadan

4. Yaa arka xogtaada

Xogtaada ma iibinno cidna, waxna uma dirno shirkado xayaysiis.

5. Inta aan hayno

Xogtaada waxaan haynaa inta ay adeeggu u baahan yahay. Diiwaanka dalabyada iyo lacagta ayaa muddo dheer la hayaa — waa shuruud xisaabeed iyo sharci, waana sida looga jawaabo muran lacageed. Waxa kale waa la tirtiraa marka aad akoonkaaga tirtirto.

6. Xuquuqdaada

Tirtiridda akoonkaaga — app-ka gudihiisa

App-ka iibsadaha: Profile → Tirtir akoonka. App-ka iibiyaha: Dukaanka → Tirtir akoonka. Waxaa la tirtiraa lambarkaaga, meelahaaga, iyo dookhyadaada; diiwaanka lacagtu wuu hadhaa laakiin magacaaga lagama garan karo. Haddii aad dukaan leedahay oo lacag lagugu leeyahay, marka hore waa in lacagtaas la xalliyo.

Waxaad sidoo kale codsan kartaa nuqul xogtaada ah ama saxid. Nala soo xiriir: support@bakaaro.org.

7. Carruurta

Bakaaro waxaa loogu talagalay dad waaweyn, umana talagalin carruurta. Ma ogayn inaan xog ka qaadno carruur; haddii aad u malayso inay dhacday, nala soo xiriir waana tirtiri doonnaa.

8. Isbeddellada

Haddii aan beddello, taariikhda kor ku qoran way isbeddeshaa. Isbeddel weyn waxaa lagugu ogeysiin doonaa app-ka.

9. Nala soo xiriir

Taleex Technologies · Muqdisho, Soomaaliya
support@bakaaro.org

Last updated: 12 August 2026

Privacy Policy

Bakaaro is an online marketplace that holds your payment in escrow until you receive your goods. It is operated by Taleex Technologies. This policy explains what information we collect, why we collect it, who it is shared with, and how you can delete your account.

Our commitment. Bakaaro does not collect card or bank details, never sees your EVC Plus or eDahab PIN, and does not access your location. This app contains no advertising or tracking technologies of any kind.

1. What we collect

InformationPurpose
Your phone numberIt is your account key — we send a one-time code so you can sign in.
Your ordersItems, prices, the delivery landmark you chose, and status — to fulfil the order and account for the money correctly.
Reviews you writeShown publicly to other shoppers.
Shops you followSo you get updates from those shops.
Message preferencesTo record whether you want messages from shops.
Push notification tokenOnly if you allow notifications — to tell you when your order moves.

If you are a seller, additionally: your shop name, neighborhood, opening hours, the public contact number you choose to display, and the product photos you upload.

2. What stays on your phone only

These never reach our servers. They live on your device and are removed when you delete the app:

3. What we never collect

4. Who sees your information

We do not sell your data, and we do not share it with advertisers.

5. How long we keep it

We keep your information for as long as we need it to run the service. Order and payment records are kept longer, because accounting rules and payment disputes require it. Everything else is deleted when you delete your account.

6. Your rights

Deleting your account — from inside the app

Buyer app: Profile → Tirtir akoonka (Delete account). Seller app: Dukaanka → Tirtir akoonka. This removes your phone number, saved places and preferences, and signs you out everywhere. Financial records remain as required by law, but are no longer linked to you by name or number. If you run a shop that still holds money in escrow or is owed a payout, that must be settled first.

You may also request a copy of your data or ask us to correct it. Contact support@bakaaro.org.

7. Children

Bakaaro is intended for adults and is not directed to children. We do not knowingly collect information from children; if you believe we have, contact us and we will delete it.

8. Changes

If we change this policy the date above changes. We will tell you in the app about any significant change.

9. Contact us

Taleex Technologies · Mogadishu, Somalia
support@bakaaro.org